Kala  xidhiidh  Tuunyo.com  Tuunyo@hotmail.com...  Markasta iyo Meelkasta oo aad joogtid waa Tuuunyo.com

 

Hudheelka Rays oo cuntada Sun Ugu dara!

 

Humanitäre Hilfe ...Hilfsprojekte
 
 
 
 
 
Qosol Maanta. Bari Kasheeke?
 
Party2
 

 Somaliland Kampf gegen

VISITOR COUNTER

 

Dhagar Qabe, Tol Laayay Dhulkaa Udhaqdhaqaaqa!!?... Xuseen  Aleel

DHAGAR QABE, TOL EEY DHULKAA U DHQDHAQAAQA

Nin liita had iyo jeer waxa uu adeegsadee mid ka sii liita ha u horeeyo doqon.

Suleyman Ali Ismail oo ahaa dhagar qabihii u horeeyey ee Borama ku dila askarigii u horeeyey ee lagu dilo guriga gudoomiyaha degmada Borama ahaana ilaaliyihii gudoomiyaha deg. Borama sanadkii lixdanaadkii , ninkaas oo ka soo jeeday Beesha Ciise gaar ahaan reer Geedi.

Suleyman Ali waxa uu u baxsaday ama uu u talaabay dhinacaas Ethopia, waxa uuna ka mid noqday ciidankii la odhan jiray KOOFIYAD DHUUBTA.

Bilowgii todabaatanadii Suleymaan Cali Ismail waxa uu caan ku noqday jidgoynta u dhexaysa tuulooyinka Awbare, Dharwanaaji ilaa Lafa-Ciise, waxa uuna ahaa ninkii haweenka uurka leh ee ka socotada ku ah toolooyinkaas kufsan jirey , uurkana ka soo ridi jirey.

1976 ayaa Gudoomiyihii Deg . Borama iyo qaar ka mid ah odey dhaqmeedyada magaalada Borama go’aan ku gaadheen in la soo qabto Suleymaan Cali Ismail,

Waxase nasiib daro noqotay laba oday oo ka mid ahaa odayaasha magaalada Borama ay tegaan magaalada Muqdishu si ay u arkaan madaxda sare ee dalkii la odhan jirey somalia , waxana ay u dacwoodeen ninkaas Suleyman Ali , labadaas odey oo la kala odhan jiry,JAMA MUHUMED (ina muxumed Gaboose) IYO HAJI ABIUUBAKAR OMER (Gamcadheere). Dabadeed waxa ay warqad ka soo qaateen madaxdii Muqdishu , una geeyeen gudoomiyhii deg. Borama oo la odhan jirey CABDILLAHI (Waranle) warqadaas waxa ku qornaa ninka la yidhaahdo Suleyman Cali Ismail , in aan la qaban . dabadeed ninkii waranale waxa ka soo hahadhay yaab iyo amakaag, waxase ay u sheegeen in la soo qabto labo nin oo koofiyad dhuubta ka tirsanaa oo ka soo jeeday jilibka JIBRIIL YOONIS. Labadaas oday waxa ay la hadleen Suleyman cali , waxana ay fareen labada nin e e jibriil yoonis kana tirsan koofiyad dhuubta ragga kuu imanaya u soo dhiib, dabadeed labadii nin waxa la keenay magaalada Borama , waxana ay ahaayeen labadii nin ee ugu horeeyey ee lagu toogto magaalada Borama, labadaas nin waxa ay JIBRIIL YOONIS ka ahaayeen.

YOONIS CISMAAM, waxa ay ka sii ahaayeen BAH MUUSAFIIN ,waxa ay ka sii kala ahaayeen , REER MAXAMUUD YOONIS IYO GEELE YOOSUF.

Dagaalkii 1977 Suleyman waxa uu u soo talaabay dhankan iyo magaalada Hargeysa waxana loo geeyey General SELXAAN oo ahaa taliyihii qaybta 26 aad, waxana u geeyey

1.Jama Muxumed

2.Haji Abuubakar Omer

3.Haji Ibrahim Nur

Waxana ay ka codsadeen General Salxaan in uu ninkan ay wataan uu Suldaan uga dhigo, dabadeed sidoo kale ayaa haddana waxa loo geeyey Generaal GAANI, Gaani ,waxa uu ku xidhay shuruud ah in ay wada shaqeeyaan Suldaan SULYEMAN Cali.

Suldaan Suleymaan Cali waxa uu ahaa ninkii ka dambeeyey dilkii AHUN

1.Haji DIBILIQE

2.Hajiyo CIBAADO

Waxana uu u diray rag ka soo jeeda jilibka Makaahiil dheere ,dilkaas oo ka dhacay inta u dhexaysa Idhanka iyo Wajaale.dabadeed waxa magaalada Borama la geliyey waxa diley jabhadii SSDF maadaama rag saraakiil iyo ciidan ka soo jeedaa qabiilka MAJEERTEEM ka tirsanayeen ciidanka xerada GOROYACAWL.arintu cirka ayey isku shareertay, maddama madaxda magaalada Borama joogtay ay ogaayeen dadka ka dambeeya wax hadal ah kamay odhan .

Waxa jirtay in G/S Farah Cawaale Bustaanke ahaa taliye gaas ee magaalada Gaalkacayo,ahaana sarkaalkii u horeeyey ee ceelasha biyaha ka sumeeya degaanka Gaalkacayo iyo nawaaxigeeda. Waxa jirtey in jabhadii HORYEEL ee Gadabuursi ay aad xoog badneyd , waxa madaxdii qaybta 26aad iyo muqdisho go’aan gaadheen in gaas ciidan laga sameeyo Borama iyo agagaarkeed loona dhiibo G/S Farah Cawaale Bustaanle , si uu u tirtiro jabhada HORYAAL , runtiina wuu ku guuleysta waana tir tirey jabhadii Horyaal.

Raggii ama ciidankii Majerteen ee lagu eedeeyey in ay fuliyeen dilkii Idhaka iyo Wajaale dhexeeda ka dhacay , may hadhin ee waxa ay maalin cad gaadhi ku jiidhsiiyeen G/S Farah Cawaale Bustaanle wadada u dhexaysa Hargeysa iyo Arabsya.Runtana u sheegeen Genaral Gaani kana yidhaahdeen haddii aad na rabto waanu kula joognaa.laakiin ku quus qaado dadka aad wadato waxa ay yihiin.

Suldaan Suleyman Cali sida warar lagu kalsoon yahay isaga ayaa ka dambeeyey dilkii Rooble Doodi. Dilkii ugu dambeeyey ee ka dhacay inta u dhexaysa Kalabeydh iyo DILA, isaga ayaa ka mid ahaa dadkii ka dambeeyey dilkaas ee Dahir Riyaale adeegsanayey.Su’aashu waxa weeye maxaa deegaanka jilibka Reer Nuur Yoonis loogu dila dadka ka soo jeeda Gadabuursiga ee loogu dili waayey qaybaha kala duwan ee Gadabuursigu dego, sababtu waxa weeye nin liita iyo doqon ayaa la adeegsadaa.

Suleymaan Cali iyo Jicsin Tuur oo ahaa Ina Elmi dheere waxa ay ahaayeen madaxdii Koofiyad dhubta. Wakhtigii la riday ninkii la odhan jirey UGAAS waxa la isku raacay ninka doonta Ugaasnimo in uu yahay nin aan xalaal ku dhalan ayaa Dooxada HAROWO la isku dhaariyey.Haddaba wiilka ina JICSIN TUUR UGAAS DOON, intii ka horeysay may doonan ugaasnimo ee waxa halkaas ka cad dhaartii la sheegayey ee ahayd ninka Ugaas doontaa waa nin xaaraan ku dhashay.

Waxa kale oo jirtey in Haji Abuubakar Aabihiis lagu qowracay magaalada Borama dhexdeeda iyo Jama Muxumed oo Cilmi deere loo diidey in uu Ugaasnimo isku soo sharaxo, dabadeed markii dhaarta loo sheegayna ka noqday Ugaasnimadii. Labadaas odey ayaa ka dambeyey Suldaan Suleyman Cali u baxsado Ethopia. Waana sababta Jama Muxumed ugu dhisay walaashii maadaama uu fuiyey arimo dhowr ah oo loogu aar gudayo ugaasniadii la burburiyey.

Suldaan Suleyman waa markii u horeysay uu maro ama uu arko dhul ama degaan uu dego qabiilka CIISE,Baroortu Orgiga ka Weyn. Waa in dadka reer Awdal hadda gartaan socdaalkii Saylac iyo Lughyo in ay tahay Dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa.Ayaan daroTolwaa”Abdirahman ma haddaad moodey in Qabiil kursi kuu ilaalin kuwa aad wadato waa dad fujaan dhinaca ku sita yaa ala wax siiyey iyo dhagar qabayaashoodii oo is mooday in la illoobay.

Haddaan nahay Beesha JIRIIL YOOIS waxa aan Samaroom iyo Soomaliba usheegeynaa In aanu hadda aanu lahayn wax la yidhaahdo SULDAAN , taas ha la ogaado,labadaa nine e dhaqan celiska ee jibriir yoonisna waa la ogyahay.dhagarqabe iyo ugaasdooniyo tol eey manta dhulka ayaa u dhaqdhaqaaqaya.

Houssein Aleel

Borama, Awdal

Somaliland.

Posted by Editor

Tuunyo.com

  

Tuunyo.com- Markas waxa ay u furantay Rayiga iyo Maqaalada Akhristayasha.....Xaq ayaad Uleeday in aad Kadhiibatid  Rayigaaga..

 

 


Tuunyo Media Network (c) 2011-   Fadalan  ogow in dhamaan macluumaada shabkadan ku jira ay iska leeday  T M -Ogolaansho la,aan lama qaadankaro
Free counter and web stats