|
Wixii libtooyo ama guulo halgankii SNM ka biqlay maxsuul ahaan dadka (Somaliland) waa u dhex oo maanta iyo berrito toonna lama kala sheegan karo, taariikh ahaan se gadood dhacayba goobtiisa ayuu lahaa, berritona yeelanayaa….”
Soddon sannadood oo mid la’ ayaa hadda (April 2010) laga joogaa markii lagu dhawaaqay Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM), 6dii April 1981, magaalada London. Waxa uu ahaa ururkii labaad ee mucaarid hubaysan ah ee saaxadda ku soo biira. Jabhaddii Dimoqraadiga Badbaa dinta Soomaaliyeed (SSDF) oo fadhigeedu ahaa Addis-ababa ayaa ka horraysey.
Bilowgii Aasaaska iyo Dareennadii ka Dhashay
SNM aasaaskeedu waxa uu ka soo unkamay dibedda, siiba waddamada Khaliijka Carbeed, gaar ah aan waddanka Boqortooyada Sacuudi Areebiya iyo waddanka Ingriiska. Koox ka mid ahayd dad h ore waddanka uga haajirey, una cuntami waydey siyaasaddii Kacaanka iyo qaarkood tii dawladihii rayadka ahaa ee ka horreeyeyba, ayaa ahayd ibo-furkii muuqdey ee aasaaska SNM. Gudaha lafti isa dareenkaas dad la wadaagaa iyana si qarsoodi ah ayay uga jireen.
Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Sh Madar (AHUN), Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Aadan Wadaad-diid (AHUN), Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi, AHUN), Prof Cabdisalaam Yaasiin Maxamed, Axmed Maxa med Jaamac (Dable) iyo Axmed Maxamed (Seyidi) ayaa ka mid ahaa hormuudkii Khaliijka ka hinqa day ee hillaabta ka qaaday dareenkoodii geesinnimo ee mucaaridnimada hubaysan ahaa. Suurta gal ma ahayn in Sacuudiga urur dabeecaddaas leh laga dhisaa ama lagaga dhawaaqaa. Sidaas d arteed ayay kooxdaasi inta ay dhigeen wixii ay gacanta ku hayeen ugu hulleeleen waddanka Boqo rtooyada Ingriiska, iyaga iyo koox kale oo halkaas sii joogteyna sannadkaas SNM ugaga dhawaaq een.
Xilligii Wadaaddada (April 1981 – March 1983)
Xasan Ciise Jaamac iyo Axmed Jimcaale (AHUN) ayaa ka mid ahaa ragga kale ee kooxdaas London kaga biiray. Guddoomiyihii koowaad ee SNM waxa loo doortay Axmed Jimcaale oo xilka hayey mud do gaaban.
Ku dhawaaqaas SNM wax weyn ayuu ka beedelay siyaasaddii dalka, waxaana abuurmay xiisad iyo jawi tuhunno siyaasadeed iyo qaar qabali ah huwanaa oo kala gurasho iyo xeelado dahsoonba lahaa.
Dabayaaqadii sannadkaas 1981 waxa xabsiyada loo taxaabay dhallinyadii UFFO magaalada Hargey sa, waxaana taas raacay gadoodkii caanka ahaa ee ardayeed ee magaalada Hargeysa ee maalintii 20-ka Feberwari iyo dhawrkii cisho ee ku lammaanaa ee sannadkii 1982. Waxa kordhay oo baallaha fidsaday cadaadiskii maamulayaasha talisku dadka ku hayeen. 1-dii May 1982 waxa magaalada Bur co ka dhacay muddaharaadyo ka dabqaadanayey kuwaas Hargeysa ka qarxaday. Muddo ka dibna waxa la xidhxidhay xubno ka mid ah dawladdii MS Barre, ayna ka mid ahaayeen Ismaciil Cali Abok or, Cumar Carte Qaalib, Maxamed Sh. Aadan iyo dad kale oo badan oo isugu jira saraakiil ciidammo iyo sibilba leh, iyo waxgarad kala duwan oo ka soo jeeda gobolladii Waqooyi.
Tuulada Dharkayn-geeye ee Degmada Buuhoodle waxa maxkamad milateri badhka taagtay oo si foolxun loogu toogtay Col. Cabdillaahi X. Siciid Cabdi (AHUN) oo ka mid ahaa saraakiishii ugu qiim aha badnayd XDS, taas oo dareen weyn ku dhalisay oo dhiillo gelisey saraakiil badan oo ka soo jeeddey gobolladii waqooyi.
Bilowgii Xidhiidhka Itoobiya
Saraakiishii ugu horraysay ayaa ka gudubtey xuduudda oo u tallowday dhanka Itoobiya.Maxamed Cali Faarax (AHUN) iyo Jabhaddii Afraad ayaa ka xidhiidh furtay ciidamadii Soomaaliya. Aadan Sh. Maxamed (Aadan Shiine, AHUN), Axmed Dhagax (AHUN) iyo Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka goo stay saraakiishii ciidamada. Dawladdii Itoobiya ayaa saraakiishaas u soo jeedisey in ay ku biiraan SSDF oo saldhigyadeeda ciidameed daadsanaayeen soohdinta u dhaxaysa labada waddan min Gor aya-cawl oo galbeedka Hargeysa ku qumman ilaa koonfurta shishe ee Soomaaliya.
Saraakiishaasi waxa ay diidmo ku qaaddeceen codsigii Itoobiyaanka, waxanay u sheegeen in ay ka mid yihiin Ururka SNM oo markaas fadhigiisu ahaa London. Halkaas waxa ka bilaabmay digorogash adii maamulka ee SNM uu Itoobiya ugu soo guurey. Markii ay SNM hoggaankeedu Addis-ababa ka soo degey, waxa dawladdii Mingiste Hailu Mariam oo tixgelinaysa culays kaga imanayey dibedda, gaar ahaan, Yemen iyo Liibiya ay hordhigtay hoggaankii cusbaa ee SNM hindise uu qorshihiisu ah aa in ay la midoobaan SSDF oo lahayd xilligaas xoog ciidameed oo dhisan iyo taageero siyaasadeed oo ay ka haysatey waddamada ay ka mid ahaayeen Itoobiya, Liibiya, Yemen iyo Suuriya.
Hoggaankii SNM waxa uu hindisaha qorshahaasi ku noqday “laf dhuun gashay”! Cunaha ayuu u dh aafi waayey oo wuu liqi kari waayey. Laba arrimood ayaa diidmadaas hoosta ka xarriiqayey. Ta hore, hoggaankaasi markiisii horeba waxa uu dareen quus iyo qoomammo ah ka huwanaa is-raacii Lixdankii ee Soomaali Waqooyi iyo Ta Koonfureed oo xubnihii sare ee hoggaanku ay u aanayna yeen midowgaas laftiisa wax alle wixii dib u dhac iyo foolxumooyin gobannimo dabadeed waddanka ka dhacay. Sidaas darteed hoggaanku waxa uu bayr ka lahaa, sasna ka qabey oo aan la soo marin karayn magaca Koonfur iyo wax la yeelashadiisaba. Ta labaadna ee taas sii badhitaarayseyna waxa ay ahayd cududdii dhaqaale, ciidameed, iyo awooddii siyaasadeed ee gacanta Col. Cabdillaahi Yuusuf ku urursanayd oo ahayd mid aan wadaagga u jajabnayn oo keli toocsi ku dhisnayd. Hase yeeshee in Somaliland gooni isu taagtaa ma ahayn marna siyaasad u meel taalla qorshe ahaan SNM, waxa se uu ahaa fikir dadka dhex yaalla oo marba sii shiiqayey oo Federal ayaa loogu hadal hayn badnaa, dareenka se gooni isu taaggu waxa uu laabta la soo kacay markii dambe ee gumaadka iyo burburka xumi dhaceen, iyo hindisayaashii kooxdii Manafesto ee Muqdisho markii lagu dhawaaqay dawlad haba yaraato’e aan SNM laga talo gelin oo gacan-ku-rimis ah.
Hoggaankii SNM ee Addis-ababa yimi waxa haddaba uu waayihii adkaa ee xilligaas hor yaalley kaga tallaabsaday hal-adaygnimo. Waxa ay xubnihii hoggaanku go’aansadeen in haddii Itoobiyaanku ku jujuubaan wax aanay raalli ka ahayn ay ka tegayaan Itoobiya, waxaanay ka codsadeen in tigidha doodii dib loogu xajiso, si ay ugu laabtaan halkii ay ka ymaaddeen, taas oo Itoobiyaankii fajiciso iyo la yaab ku noqotay oo aanay ka filayn.
Ciidamadii Afraad ee Maxamed Cali (AHUN) iyo saraakiishii kale ee soo tallowday ee Aadan Shiine (AHUN), Axmed Dhagax (AHUN) iyo Maxamed Kaahin oo xuduudda ku sugnaana hore waxa ay Itoo biyaanka ugu sheegeen iyana in ay SNM ka tirsan yihiin oo aanay SSDF ku biirahayn. Waxa kale oo jiiddaas si habqan ah ugu soo gurmayey oo gudaha ka soo goosanayey saraakiil iyo dad kale oo qubane ah maalin kasta, kuna soo biirayey SNM.
Aqoonsigii ugu Horreeyey
Idii Jan. 1983 waxa ay SNM jebisey jeelkii ugu weynaa gobolladii Waqooyiga ee Mandheera, kana sii daayeen oo soohdinta ka soo tallaabay maxaabiis kor u dhaaftay 700 qof, kuna jireen maxaabiis siyaasadeed. Arrintani waxa ay soo jeedisey indhihii rayal caalamka, waxanay SNM-tu ka heshay aqoonsigii ugu weynaa ee siyaasadeed iyo kii milateri ee ugu horreeyey.
Dawladdii martida loo ahaa (Itoobiya) dib ayay uga guratay hakad ahaan hindisihii ku saabsanaa in SNM-tu ay SSDF-ta ku biirto ama la midowdaba. Waana marka la samaynayo isku xidhka hawlga llada guud ee dhanka milateriga labada jabhadood iyo wadaagga Idaacaddii Radio Kulmis oo mark aas ka dib la magac baxday Idaacaddii wareegi jirtey ee Codkii Midaysnaa ee Xoogagga Mucaarid ka ee Radio Halgan.
Shirweynihii Koowaad ee SNM ayaa Herer ka dhacay March 1983, waxaana Guddoomiye loogu do ortay Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar, ku xigeenna Xasan Aadan Wadaad-diid iyo Axmed Ismaaciil Cab di (Duqsi) oo isna noqday Xoghayaha Guud, saddexdaba Alle ha u naxariisto’e.
12-kii April 1983, waxa Birjeex, magaalada Hargeysa, dharaar cad lagala soo baxay Col Cabdillaahi Askar Barkhad oo halkaas laba-dible silsilad ugu yoongaysnaa.
Cadaadiskii iyo bahdilkii General Maxamed Xaashi (Gaanni) oo “Diiriye” looga yaqaannay gobolladii Waqooyi, ayaa cirka isku shareeray oo gaadhey heerkiisii ugu af-yuubnaa. Mawjad dad ah ayaa ku soo jabtay oo ka soo tallowday diillinta soohdineed ee labada waddan, kuna soo sunsumaysey ma alin kasta saldhigyadii cusbaa ee SNM.
SNM waxa ay noqotay xoog aan dhayalsi gelin oo siyaasad ahaan iyo xag ciidameed baallaha la ka la baxaya oo gobolka ku soo biiray.
Bilowgii Khilaafyada
Kobocaas degdegga lahaa ee SNM waxa la jaanqaadayey oo uu caloosha ku sitey khilaafyo iyo mu ranno siyaasadeed oo cidhibta ku hayey kala duwanaantii aragtida iyo qabitaannadii feker ee kooxihii kala duwanaa ee SNM isugu yimi, gaar ahaan hoggaankii sare ee dibedda ka yimi iyo dadkii gudaha ka soo baxay, siiba saraakiishii sarsare ee ciidamada iyo waxgaradkii kale ee isna gudaha ka yimi oo qaabili la’aa straatiijayadii hoggaanka oo si qayaxan u gobolaysnayd, lahaydna lifaaqyo iyo dareenno qabali ah oo aad u xoog badan. Taas oo SNM la sii koraysey marxalad iyo amin kast aba. Is-haystayaal la haysto ayaa SNM xilliyada qaarkood lagu masaali karayey oo khilaafyadu ga adhsiiyeen, hase yeeshee mar kasta burbur way ka nabad gelaysey.
Midabada khilaafyadu marba marka ka sii dambeeya waxa ay u sii xuub-siibanayeen dhanka kala baxa, waxaana sii xoogaysanayey aragti hoosta ka xarriiqaysey in hoggaankaas sare ee dibedda ka yimi aanu karti iyo awood u lahayn inuu waajaho oo buuxiyo baahidii dadka ee gudaha ka jirtey iyo siyaasaddii mandaqiga ahayd ee gobolka xagga Soomaalida iyo dhanka caalamkaba.
Xilligii Saraakiisha (Nov. 1983 – Aug. 1984)
Toban bilood ka dib markii hoggaankii Sh.Yuusuf xilka loo doortay, Nov. 1983, ayaa hoggaankii sad exaad ee SNM xilka lagu wareejiyey magaalada Herer. Hoggaankaas waxa keenada u qabtay sara akiishii ciidamada xag siyaasadeed iyo mid dagaal gelineedba.
Guddoomiye waxa loo doortay 1. Cabdilqaadir Koosaar Cabdi (AHUN), ku xigeenna
2. Aadan Sh Maxamed (Aadan Shiine, AHUN), 1. Maxamed Kaahin Axmedna Xoghaye Guud.
Dhinaca kale waxa dabka kulaalayey oo xeryaha iyo xarumaha SNM-ta dhuxulo dhabataysanayey oo tuurnaa saraakiil laxaad leh oo ku cindanayd hawlaha dagaal gelineed xilligaas ay saraakiishu hoggaanka la wareegeen Nov. 1983. Waxa ka mid ahaa saraakiishii maalintaas goobjoogga ahayd intooda mootan maanta haddii aynu ku horrayno, kana soo bilowno Alle ha u wada naxariisto dha mmaantoode: Cabdilqaadir Koosaar iyo Aadan Shiine oo ahaa hoggaankii xilligaas, iyo Xasan Salee baan-weyne oo isagu ahaa sarkaalkii ugu horreeyey SNM ee dagaalka ku naf waaya 4. Maxamed Xaashi (Lixle) 5. Axmed Dhagax 6. Maxamed Cali Faarax 7. Aadan Saleebaan 8. Mahdi Cali 9. Shakiib Cabdilqaadir 10. Ibraahim Koodbuur 11. Ibraahim Jaamac Dhiif (Halliqin) 12. Gacmadheere 13. Aa dan Maxamed Dhamac 14. Xasan Younis Habbane 15. Dayib Gurey 16. Cabdillaahi Cali Suufi 17. Cab di Siciid Muuse 18. Axmed Maxamed Siciid (Karandaash) 19. Abokor Ismaaciil Xasan Mataan (Shaadh-yare) 20. Xuseen Qarashyare 21. Cabdillaahi Mulac 22. Saleebaan Cilmi (Baylood) 23. Ax med Maxamed Guutaale 24. Capt.Daa’uud 25. Axmed Yuusuf (Qaaddiro) iyo qaar kale.
Inta maanta noolna marka aynu ka soo bilowno Maxamed Kaahin oo ka mid ahaa hoggaankii xillig aas: waxa ka mid ah: 2. Ibraahim Dhegaweyne 3. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (Laba-tolle) 4. Ax med Mire Maxamed 5. Cabdillaahi Askar Barkhad 6. Cali Hayaan 7. Maxamed Cawed Baxooshe 8. Is miiciil Aadan Finije 9. Cabdiraxmaan Turki 10. Cali Xuunsho 11. Cabdiraxmaan Maxamed Case 12. Ca bdi Ibraahin (Jaalle-diid) 13.Ciise Curaagte 14. Axmed Weysacadde 15. Mahdi Isxal 16. Xasan Cali Abokor 17. Jaamac Digaale Ducaale iyo qaar kale.
Siddeed bilood oo keliya ayay saraakiishu talada hayeen, waxaana xilligaas minjaha la baxay isu muuqasho iyo is indho buuxin la’aan saraakiisha dhexdooda ah. Guux arrintaas ka dhashay ayaa hoosta xarriiqayey in talada siyaasadeed ku habboon tahay in sibilka lagu celiyo oo saraakiishu u go’aan arrimaha dagaal gelinta. Xafiiltan qabali ah ayaa laftiisu SNM dhexdeeda xoog ku sii yeelan ayey oo xitaa marka laga gudbo awood qaybsigii beelaha ku salaysnaa ee hoggaaminta, waxa qaab beeleed u dhisnaa saldhigyada SNM ee soohdinta ku teedsanaa oo Qaaxo loo yaqiin. Hase yeeshee xilligaas gaaban ee ay saraakiishu hoggaanka hayeen waxa ay ku tallaabsadeen hindisa yaal wax ka beddelaya siyaasaddii halganka, sida in la ballaadhiyo dhulka SNM ka hawl gasho oo Koonfurta Soomaaliya fadhiisimo lagu yeesho iyo in la hagaajiyo xidhiidhka dawladaha caalamka ee halganka ehelka u noqon kara ee taageero diblomaasi, milateri, dhaqaale, waxbarasho iwm laga heli karayey, arrimahaas oo bilow ahaan meerisyo hore u dhaqaaqeen.
Xilligii Siyaasiyiinta (August 1984 – May 1993)
August 1984 ayaa la doortay hoggaankii afraad ee SNM. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa guddoomiye loo doortay. Markii ugu horraysey ayay SNM jebisey derbigii gobolaysiga ee dhi smaha hoggaankeedu ku salaysnaa ama saldhigyada ciidamadeeduna u yaalleen. Waxa guddoom iye-ku-xigeen loo magacaabay Cali Maxamed Cosoble (Cali Wardhiigley, AHUN) oo ahaa ruugcadd aa Siyaasi ah oo reer Muqdisho ahaa. Waxa kale oo golihii fulinta iyo kii dhexeba ku soo biiray xub no door ah oo Koonfur ka soo jeedey, ayna ka mid ahaayeen Cali Hagarrey, Sheekh Yarow, Col. Go rgor, Cabdinaasir Sheekh Cali (AHUN) iyo qaar kale. Fadhiisimmo cusub ayay SNM ka yagleeshay jiid-soohdimeedda gobollada Hiiraan (Mustaxiil), Gedo, Bay iyo Bakool (Doolow iyo Buur Aaminow iwm).
Faramahan cusubi iyo siyaasadda ka dambaysaa culays weyn iyo halis badan ayay ku keentay maamulkii magaalada Muqdisho. Dhinaca kalena waxa isla markiiba doorashadaas ka dib (Oktoobar 1984) ciidamadii SNM ee saldhigyadii Qaaxo ay hore ugu ruqaansadeen gudaha oo galeen buurale yda galbeedka Hargeysa, kuwa Sheekh iyo kuwa Waqooyiga iyo Bariga Burco ee Buurdhaab ka midka tahay.
Heshiiskii bakhti afuufka ahaa ee MS Barre iyo Mingiste Hailu ee Djibouti March 1988, waxa uu soo dedejiyey gudogalkii weynaa ee SNM ku jiidhay ciidamadii qaybta 26aad ee XDS. Waxa taas la jaan qaaday oo raacay burburkii magaalooyinka, gumaadkii aan kala sooca lahayn iyo barakacii weynaa ee dadkii magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Diyaaradihii dagaalka ee Xooggii Dalka Soomaaliyeed ayaa gegida Hargeysa ka haadey oo duqeeyey isla magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ba, dadkuna sida duqsiga ayuu u le’day.
Axmed Siilaanyo waxa uu noqonayaa guddoomiyihii ugu wakhtiga dheeraa ee SNM soo mara (Agust 1984 – March 1990). Xilligaasi waxa uu ahaa xilligii ay SNM ugu xoogga badnayd milateri iyo siyaasad ahaanba, waxana xilligii uu ugu laxaadka badnaa khilaafkii iyo murankii SNM dhexdeeda oollimaadka ku lahaa.
March 1990 ayaa Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur, AHUN) Balligubadle loogu doortay guddoomiyihii shanaad ee SNM oo isna hoggaanka hayey ilaa dib u xorayntii buuxdey ee dalka iyo gooni isu taa ggii ka dib, isaga oo noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland. Si talo wadaagnimo ah ayuu 1993 xilkii ugu wareejiyey Boorame, loona doortay Maxamed X. Ibraahim Cigaal (AHUN) mada xweynihii labaad.
Qiimayn Dul-ka-xaadsi ah
SNM waxa ay gashay halgan hubaysan iyo mid siyaasadeed oo ku suntami doona taariikhda casr iga ah ee Soomaalida guud ahaan, gaar ahaanna ta Somaliland. Taariikhda SNM waxa laga baran karaa qiyamta talowadaagnimo iyo isu tanaasulaadka ku tusmaysan.
Shan hoggaamineed oo saddex marxaladood lahayd (Wadaaddo, Saraakiil iyo Siyaasiyiin) ayaa isu kala beddeley hoggaaminteeda sare muddadii tobanka sannadood ahayd ee SNM qorigeeda ay xabbaddu dhuunta ugu jirtey, fartuna keebka kohanaysey. Isbeddeladaasi waxa ay ku iman jireen hannaanka wax wada gorfaynta, wada hadalka geedka hoostiisa, is dhegaysiga, wada doodka mararka qaarkood labada is haya cawshu dhex miranayso, is qancinta, isu tanaasulaadka iyo u xilashada danta guud iyo duugga taariikheed. Dawladdii loo martida ahaa, kuwii kale ee saaxiibka lala ahaa iyo xitaa cadowgii ay is hayeenba taas way la yaabi jireen. Halkii wadnaha farta laga hayey ama laga guuddarraynayey in fadhiga markaas lagu jiraa yahay kii SNM ay ku kala yaacay sey, ayaa aakhirka wax lagu heshiis yahay gunaanadku noqon jirey. Taasi la’aanteedu waa tii ay SSDF ku guuldarraysatay ee xooggeedii kala dhantaalay, markii dambena kala dirtay.
SNM waxa ay talada ku celisey dadka markii dalka la xoreeyey ka dib oo waa tii 1993 Boorame xilka iskaga wareejisey. Taasi ka baaqashadeeduna waa tii ay USC ku guul seegtay, markii dambena ho rseedday qalalaasayaasha la soo dabbaali la’yahay ee dagaallada sokeeye iyo ismaandhaafyada la hal maala ee gacan-ka-hadalka ah ee ilaa maanta dhisaalan.
Shaki kuma jirno in SNM meelo badan ka gaabisay ama ay ku guuldarraysatay. Waxa ugu weynaa dhalliilaheeda in ay abuuri kari weydey aragti ka shishaysa siyaasad qabali ah. Taas oo horseed day in ay awood u yeelan weydey in ay dadka ku qanciso mabaadida iyo dastuurkii u dhignaa, iyo in ay xilligii xoraynta ka dib dadka ka dhigi kari weydey qorigii ay u dhiibtay xilligii halganka hubay san. Ismaandhaafyadii gacan-ka-hadalka ahaa ee xorraynta ka dib dalka ka aloosmayi waxa ay ka soo jeedeen arrintaas sida ay soo af-jarkoodiina uu jeeniga ugu hayey hab dhaqankii wada xaajo odka ku salaysnaa ee SNM-tu ballaysintay xilligii halgankaas hubaysnaa. SNM sidii jabhadihii kale ayay adeegsatay siyaasad aan ka casriyaysnayn tii ay ka horjeeddey marka laga eego docdaas cuskashada fog ee ku talax-tagga habka qabaliga ah ee beelaynta dadka, taas oo horseed ka noqotay tan maanta la furdaamin kari la’ yahay ee wixii loo dhaqaaqaba qabyaaladdu ka soo bannafayso!
Si kastaba ha ahaato’e, wixii libtooyo ama guulo halgankaas SNM ka dhashay maxsuul ahaan dadka (Somaliland) waa u dhex oo maanta iyo berrito toonna lama kala sheegan karo, taariikh ahaan se gadood dhacayba goobtiisa ayuu lahaa, berritona yeelanayaa. Maanta Madaxweyne Daahir Riy aale Kaahin ama wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Cirro ama inta kale ee ka midka ahayd intii la safnayd siyaasaddii taliskii Maxamed Siyaad Barre lagama sheegan karo Somaliland oo ka mid ah guulihii SNM ka biqlay. Agoontii SNM ee aabbahood lagu diley halgankaas iyo agoontii uu dhalay aabbihii xagga kale ka sii jeedey ee isna halkaas ku dhintay, labada agoonoodba maanta xuquuq siman ayay Dastuurka Somaliland ku wada leeyihiin oo uma kala sed burin karo. Kala duwanaantu se waa sooyaalka taariikheed oo Daahir Riyaale iyo Cabdillaahi Cirrona ku suntaysa in ay ka mid ahaayeen adeegayaashii iyo saaxiibbadii Taliskii Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Ciise Jaamac iyo Axmed Maxamed Seyidina aasaasayaashii SNM.
Ma debcayaal u taagnayaasha!
Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar (AHUN) iyo saddexda halgamaa ee nooli (Ina Xaashi, Xasan Ciise iyo Seyidi) waxa ay gaar u yeelanayaan hal-adaygnimo ay ku mutaysanayaan miigganaantoodii aanay maalinna bannaynin kaalintii ay ku lahaayeen goobihii halganku ka socdey ee safka hore iyo naf-hurka. Maalinna midkood afartooda kama uu bixin goobahaas dhimashada, dhaawaca, diihaalka iyo dacdarradu yaalleen, iyaga oo kari karayey in ay ku laabtaan meelihii ay markii hore ka yimaadd een iyo shaqooyinkoodii ka dib markii xilka hoggaaminta SNM-tii ay unuggeeda lahaayeen laga war eejiyey sannadkii 1983 horraantiisii. Iyagu dee ma aanay shaqo tegin, nusasaacana (Break Time) ma aanay qaadan haba yaraato’e maalinna! Intii badnayd ee kale ee halgankaas ugu timaaddayna ee sifadaas la wadaagtaana way la yeelanaysaa gaarnimadaasi oo in kaleba ka baaqanayso wax ku lahaanshaheeda.
Sooryo Waayeel
Taariikhdu dadkay hagtaa. Waxa ay u jeexdaa tubta ay u mari karaan tooda kala dhantaalan isu toosinteeda, waxaanay bartaa ka baydhista halka uu ba’oodu oolli karo. Tagtadii shalayto waxa laga dhex dheehan karaa quruxdeeda ama foolxumaanteeda joogtadeenna maanta, timaaddade enna berritona waxa laga sii dhex hilaadin karaa joogtadeenna maanta. Hadbana waa sida aynu ka yeello ee looga faa’iidaysto dhacdooyinka waayaha sidaan khalad iyo saxnaantoodaba. In hor la eego loo socdaana ka hagaagsan in dib loo gucleeyo oo raad arooryo uun dib loo raaco. Taariikhduna waa ifsigaas dariiqa uun. Intaas uun bay tahay in aynu ka baranno taariikhda sooy aal ee Ururkii Dhaqdhaqaaqa Qaranka Soomaaliyeed ee SNM oo maanta sagaal iyo labaatan jirsa dey (April 1981 – April 2010), sooryo waayeelna waa ixtiraam, xurmo iyo xaq-dhawr uun.
|
Qalinkii Maxamed Baashe Xaaji Xasan mohamedbashe@hotmail.com |
Tuunyo.com
|