Kala  xidhiidh  Tuunyo.com  Tuunyo@hotmail.com...  Markasta iyo Meelkasta oo aad joogtid waa Tuuunyo.com

 
 
 
 

Hudheelka Rays oo cuntada Sun Ugu dara!

 

Humanitäre Hilfe ...Hilfsprojekte
 
 
 
 
 
Qosol Maanta. Bari Kasheeke?
 
Party2
 

 Somaliland Kampf gegen

VISITOR COUNTER

  Sawirka Maanta iyo Maqaalka Tuunyo.com

  

Waxaannu Ahayn Tuug oo Wixii Aannu Dalka Wax ugu Qaban Lahayn Ayaannu Dadka ku Laaluushi Jirnay’

Wasiirkii hore ee Warshadaha xukuumaddii Rayaale oo ka warbixiyey hab-dhaqankii ay dalka ku maamuli jireen

“Haddaad maqasho rag qaylinaya oo leh waa la gaajoonayaa waa dadkii aannu xaaraanta barnay. Waxaannu abuurnay mushtamac faasid ah oo booli quutayaal ah”

“Wax UDUB la yidhaa ma jiro, UDUB-na waxa uu ahaa sallaan nin doonayey inuu meel ku fuulo, sallaankiina wuu la soo dhacday oo dhulka ayuu ku dhacay, wuuna burburay”

Waraysi khaas ah – Mr. Maxamed Saleebaan-weyne

Hargeysa (Jam) - Wasiirkii hore ee Warshadaha Somaliland Mr. Maxamed Saleebaan Maxamed (Ina Saleebaan Weyne), ayaa shaaca ka qaaday in maamulkii Madaxweyne Rayaale ee uu wasiirka ka ahaa bulshada bareen laaluushka iyo xaaraanta, isagoo xusay in hadda dadka hadda ka qaylinaya busaaraddu ay yihiin booli-quutayaal dawladda cusub ka xidhay lacagihii xaaraanta ahaa xukuumaddii UDUB siin jirtay.

Mr. Maxamed Saleebaan Weyne, waxa uu sheegay in dad aannu magacaabin oo xilligii halganka mujaahidiintii SNM xiniinyaha ka qaniini jiray ay iminka faafinayaan borobogaando ah in Madaxweyne Siilaanyo uu Somaliland dib ugu celinayo Soomaaliya, waxaannu tilmaamay in haddii Siilaanyo doonayo Muqdisho uu tagi lahaa markii 80ka cod lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2003.

Arrimahaas iyo qodobo kale oo cambaarayn ah waxa uu Wasiirkii hore ee Wershadaha xukuumaddii UDUB ku sheegay waraysi khaas ah oo uu siiyey shalay weriye Carraale Maxamuud Jaamac oo ka tirsan shabakadda wararka internetka ee Arraweelonews, waxaannu caddeeyey inuu xilligan taageersan yahay urur-siyaasadeedka UDHIS.

Waxa kaloo uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha fikradda ah isgaashaan-buuraysi la hadal-hayo inuu dhexmari doono xisbiga UCID iyo UDHIS, isagoo ku dooday in aannu waqtigan jirin xisbi UDUB la yidhaa oo dalka ka dhisan.

Mr. Maxamed Saleebaan Weyne oo ugu horreyn ka hadlayey qaabkii u dhisnayd xukuumaddii Rayaale ee uu wasiirka ka ahaa iyo raggii xilalka hayey, waxa uu yidhi; “Waxaan jecelahay in aan caddeeyo dawlad ayaan ka mid ahaa oo aan wasiir ka ahaa, dawladaasi waxa haystay madaxweyne wanaagsan oo nin nabadgelyo ah. Qof ahaantiisa iyo masuuliyaddiisa madaxweynenimo midna muu ahayn qof rabshad, dhiig iyo burbur jecel muu ahayn Daahir Rayaale, hase ahaatee waxayaga kaloo dhan waxaannu ahayn casaabad aan dalkan u dhalan, dadkana ka dhalan oo qoorta isaga duubay dadka iyo madaxweynihiiba, waxaanuna ahayn casaabad aan geed iyo dhagax toona reebayn oo dadkana u naxayn hilbana ugu ool.

Runtii aniga oo da’daa jooga oo wasiir ka ahaa golaha dawladda, ayaa waxa ii muuqday dalkaygii oo laba farood dhexdood ka dhacaya. Werwer badan ayaa i hayey, maantase sidii doorashadu u dhacday ee dawladda cusub talada dalka u qabsatay wax werwer ah oo aan dalka ka qabaa haba yaraatee ma jirto, madaxweynaha maanta dalka ka talinayaana waa nin aan ku kalsoonahay inuu dalka ammaan ka dhigayo, waayo inuu burburiyo kama baqayo, inuu Xamar tagana kama baqayo, inuu qaddiyadda Somaliland iibiyana kama baqayo, sababta oo ah Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hadduu Somaliland Xamar gaynayo ama Soomaaliya gaynayo maalintii doorashada (doorashadii madaxtooyada ee 2003) 80-ka cod lagaga helay ayuu Xamar tegi lahaa, sidaa darteed anigu ma iibsan karayo Siilaanyo Xamar buu ku socdaa.

Ta labaad ee aanan iibsan karayn waxa weeye qolooyinkayagii xiniinyo-qaniinnada ahaa ee markii Siilaanyo isagoo 35 jir ah intuu dalka ka baxay ee uu xaaskiisii, ubadkiisii iyo shaqadiisiiba ka dhaqaaqay ee duurka galay sidii dalka loo xoreyn lahaa, kuwayagii dadka xiniinyaha ka qaniini jiray ee iyagoo SNM u aanaynaya ragga intay joonyado ku guraan badda ku tuuri jiray ayaa maanta ku leh Siilaanyo Xamar buu tagayaa, taasi waa wax dembi ah oo aaan la qaadan karin.”

Wasiirkii hore ee Warshadaha Somaliland waxa kaloo uu sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo ka khaldan dawladda cusub, isla markaana wax badan oo xukuumaddii Rayaale xumaysay oo la hagaajiyeyna ay jiraan, “Way jiraan dhaliilo kuwayagiiba qaar ka xun yihiin oo dawladda cusub leedahay xagga dhaqaalaha marka la eego, sababta oo ah annagu [xukuumaddii UDUB] waxaannu ahayn tuug oo wixii aannu dalka wax ugu qaban lahayn ayaannu dadka ku laaluushi jirnay oo faraqi jirnay, markaa dawladda cusub wixiina way maamushay oo dhaqaalihii way ururisay, laakiin dadku busaarad bay dareemayaan. Haddaad maqasho rag qaylinaya oo leh waa la gaajoonayaa waa dadkii aannu xaaraanta barnay, waxaanuna abuurnay mushtamac faasid ah oo booli-quutayaal ah. Kuwan qaylinayaa waa kuwii aannu xaaraanta barnay oo lacagtii laga xidhay, wixii aannu barnay ayeyna doonayaan, laakiin waxay ahayd in lacagahan la ururiyey in wax lagu qabto oo ay dalka ka muuqato, balse arrintaasi maanta ma muuqato oo dadkii way qaylinayaan, markaa dhaliishaasi way jirtaa, kuwo kaloo badana way jiraan.”

Md. Maxamed Saleebaan Weyne oo la weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha furashada ururrada siyaasadda, maadaama xukuumaddii Rayaale ee uu wasiirka ahaa ka soo horjeeday arrintaas, waxa uu ku jawaabay; “Dawladdayadii hore wax ay oggolayda may jirin. Wax walba waannu ka soo horjeednay. Waxaannu odhan jirnay madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka waxa beddelaya kuwo la soo doortay, doorasho inay dhacdana maannu doonayn, markaa wax walba waannu ka soo horjeednay, sababta oo ah waxaannu ahayn casabad dalka qoorta isaga martay dalka.

Haseyeeshee, furitaanka ururradu waa sharci, waana arrin wanaagsan, laakiin waxa meesha ka soo baxday anigu dagaalyahan ma ahiye sheeko cajiib ah, balse dadkii dibadaha ka dagaallamay baan ahaaye, waxaannu maqli jirnay SNM niman shaadhad cadcad baa ka ag dagaallama oo 20 inan oo aan soo quraacan ayaa xero dhan oo laba kun oo ciidankii Faqashtu ku jirto oo taangiyo iyo dubaabadu haysta intay weerar ku qaadaan waxay haystaanba ka qaadan jiray, markaa waxa la odhan jiray waxa SNM ka ag dagaallama niman awliyo ah oo waxaba layn jiray, kuwiina weli shaqadii bay hayaan. Waxaan uga jeedaa awliyo Ilaahay ayaa dadkan u dagaalgashay oo dulmigii wax ka ridaysay, awliyadii baana iminka shaqaysa oo kooxdayadii hore ee xoolihii ummadda dhacay ee wixii ummadda xaday ayey awliyadaasi sanaaduuqdii naga fureen, dabadeedna waynagan xisbiyada furanayna ee dadka casuumayna oo lacagtii aannu sanaaduuqda ku urursanay ayaa ummaddii lahayd dib loogu soo celinayaa.

Wixii xukuumaddayadii ka mid ahaa, kuwii naga horreeyey iyo kuwa hadda joogaba ha ahaadaane kuwii ummaddan dhacay ayey awliyo Ilaahay lacagtii ka soo qaadaysaa oo ummaddii lahayd dib ugu celinaysaa.

Marka la eego mabda’iyan furista ururradu way fiican tahay oo hab dimuqraadi ah, laakiin waxan ka baqayaa inay innagu noqdaan wado furan oo ay innagu soo baxaan xisbiyo gobol keliya ku kooban, xaafad, shuuciyad, xagjir, waxaanan leeyahay halkaas markay joogaan hala joojiyo, haddii kale waxay noqonaysaa inay sidii salaadiinta nin walba geed intuu fadhiisto oo caano isku shubo uu yidhaa urur baannu ahayn, aniguna u malayn maayo in ururradan iminka samaystay intooda badan aanay iskaba bixin karin lacagta deebaajiga ah ee lagu xidhay, balse waxa fiican in il gaar ah lagu eego arrimaha ururrada cusub ee furmay.”

Mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey aragtidiisa ku aaddan diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee la laalay iyo saamaynta ka dhalan karta, waxa uu yidhi; “Diiwaangelinta la laalay waxay ahayd wax lagu heshiiyey oo beesha caalamka, mucaaridka iyo komishanku isku raaceen oo la yidhi doorashadana aynu ku dhaafno, wixii dambena diiwaangelin hala sameeyo. Heshiiskaas ayaa jira, laakiin markaad dhinaca kale ka eegto diiwaangelintii baa la tuuray waxay noqonaysaa in madaxweynaha maanta joogaa aannu sharci ahayn oo doorashadiisii xaaraan bay noqonaysaa, taasna iminka laguma doodi karo oo waxa ka horreeyey qodob lagu heshiiyey oo ahaa in diiwaangelinta la laalo. Ninkii doonaya inuu xumaan iyo qalaanqal sameeyo wuu ku doodi karaa, laakiin wuxuu qabsanayaa laan ka samaysan xuub caaro oo la soo go’aysa.”

Maxamed Saleebaan Weyne oo la su’aalay mabda’aan cidda uu hadda taageersan yahay wasiirradii ay isku xukuumadda ahaayeen ee ururrada cusub ku dhawaaqay iyo inuu weli ka tirsan yahay xisbiga UDUB, waxa uu ku jawaabay; “Horta anigu wasiir baan ahaaye UDUB maan ahayn oo maan gelin, mana dooran, wasiir qudha ayaan ahaa inkasta oo mushaharkayga laga jari jiray lacagta qaadhaanka ah ee UDUB, iminkana waxaan leeyahay wax UDUB la yidhaa ma jiro, UDUB-na waxa uu ahaa sallaan nin doonayey inuu meel ku fuulo, sallaankiina way la soo dhacday oo dhulka ayey ku dhacday, wayna burburtay, sidaa darteed xisbi UDUB la yidhaa oo maanta jiraa ma jirto, sababta oo ah gole dhexe ma laha, guddi fulineed, malaha, guddoomiyihii iyo xoghayihii guudna way maqan yihiin, cidda khaldan tahay ee garan waayey doorkii ay lahaayeenna waxa weeyaan xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo golayaasha degaanka ee lagu soo doortay UDUB. Ciddii xisbigaa yeelan lahayd ee hoggaamin lahayd ee xisbi qaran ka dhigi lahaa kuwaas ayey ahaayeen. Nimanka badhaabadhaa leh ee TV-yada soo fadhiistaa xaq iyo xuquuq midna kuma laha UDUB, waxayna la mid yihiin nin cod qudha siiyey xildhibaannada la soo doortay.”

Mar la weydiiyey halka hadda siyaasadiisu ku jihaysan tahay, waxa uu yidhi; “Hadda siyaasadaydu waxay ku jihaysan tahay ururka la yidhaa UDHIS. Waxaan qabaa raggii dalkan u hiiliyey ee magaalo-joogga ahaa, ama ciyaalo iskuulka ahaa ama reer miyiga ahaa ee dhallinyarada ahaa, raggii ababiyey ee waddaniyadda ku barbaariyey ee u jabhadeeyey inay dalka ka dhiciyaan cadawgii haystay, waddaniyaddaas raggii ku abuuray ayaa ururkan UDHIS leh oo hoggaaminaya, maantana waxaan qabaa in dhallinyarada reer Somaliland ee sharciyadu u hiilisay ururkoodu yahay kan oo ay waddaninimo iyo siyaasad kaga qaybqaadan karaan. Ururrada ama xisbiyada kale way ku gamraaranayaan dhallinyarada, laakiin cidda aan qabo inuu dhallinyarada si xaqiiq ah u amabinayo waa UDHIS.

Ragga maanta ururrada furtay ee saaxiibkay Ismaaciil-yare ka mid yahay waxaan u sheegayaa oo aan leeyahay waxa la yidhi, ‘Haldhaagu waa bahal qurux badan oo markuu baalashiisa kala bixiyo ayuu hoos isu eegaa, wuxuuna isku arkaa nabar lugta kaga yaal, markaasuu baalashiisa dib isugu celiyaa isaga oo murugaysan’, markaa saaxiibkay Ismaaciil-yare waxaan leeyahay markaad is kala bixiso eed baalasha la kala baxdo waxaad eegtaa boogtii Dhoqoshay ee kugu taal ee sidee baad ummadda madaxweyne uga dooni?”

Isaga oo ka hadlayey waxa waxa uu kala socdo heshiis isgaashaan-buuraysi ah oo la sheegay inuu dhexmari doono xisbiga UCID iyo urur-siyaasadeedka UDHIS, waxa uu yidhi; “Ma aha in wax la iska mala awaalo, maalintii sheekadan la soo qaadayna waan fadhiyey; mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa soo jeediyey in UCID iyo UDHIS midoobaan, waxayna ahayd fikrad qof ka timi, wax la isla ogaa oo laga wadahadlayna may ahayn wax waqtigan hadalkeedu furan yahay.

Ta kale, xisbiga UCID waa xisbi jira, waxa lagu murmaa beedka iyo digaagada kee dunida u soo horreeyey. Waxa haddaba su’aasha la isweydiinayaa tahay ma UCID baa UDHIS ku biiray, mise UDHIS baa UCID ku biiray Ilaahay kama dhigee? Hadday noqonayso in UDHIS ku biiro UCID waa suurtogal, laakiin haddii UCID ku biirto UDHIS waa in la soo baabi’iyo UCID, illeyn waa xisbi hadda jiree.

Jamhuuriya  


Tuunyo Media Network (c) 2011-   Fadalan  ogow in dhamaan macluumaada shabkadan ku jira ay iska leeday  T M -Ogolaansho la,aan lama qaadankaro
Free counter and web stats