Warancade Iyo Cismaan Hindi Oo Ku Fashilmay Qorshe Ay Ku Doonayeen In Marwadii Cigaal Cudur Daar Ka Bixiso Hadalo Ay Rayaale Ku Durtay Oo Ay Ka Sheegtay Madal Lagu Tilmaamay Shirweynihii UDUB
“Markii Maydkii Marxuum Cigaal La Aasay, Madaxweynihii Dalka Loo Dhaariyay Dagaalkii Aniga Ayuu Iga Bilaabay, Maantana Waan Garnaqsanayaa, Naxariistii Aan Ka Waayey UDUB iyo Rayaale Siilaanyo Ayaan Ka Helay” Kaltuun X. Daahir
Tuunyo.comHargeysa, November 1, 2011 (Hargeysa) - Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo ahayd Afadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday dagaal iyo tacadi ay kula kacday dawladii Daahir Rayaale iyo xisbigii talada hayay ee UDUB, taas oo maalitnii shalay kaga tiraabtay Madal ay ku dhamaayeen inta badan horjoogayaashii UDUB iyo Taageerayaashoodii oo lagu sheegay Shirweyne gole Dhexe oo ka furmay Hargeysa.
Marwo Kaltuun Xaaji Daahir waxay intaa ku dartay in si arxan daran ay ula dhaqmeen maamulkaasi, balse Cawilnaq ay ka heshay Madaxweynaha hada talada dalka haya Axmed Siilaanyo iyo marwadiisa Aamina-Waris Sheekh Maxamed Jirde.
Kaltuun Xaaji Daahir ayaa sidaasi ka sheegtay Shir Xisbiga UDUB ku yeeshay Hotel Crown ee magaalada Hargeysa ugu horyna waxa ay hadalkeeda ku bilowday “Maalintii ILAAHAY ha u naxariistee uu Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal ka furay shirweynihii aasaaska UDUB aqalka shaqaalaha waxa ka soo wareegtay toban sanadood, intaasi ka dib la iguma arag saaxad ay UDUB leedahay si ay u dhacdayba. Waxay ahayd bishii 3-dii Bishii May maalin Khamiis ah, Cusbitaalka Milatariga ee Pretoria markii sakaraatul mowtkii ku qabtay Marxuumkii anagoo markaa kaligay la jooga oo uu markaas uun naga baxay Dr. Cali Qaadi waxa I weheliyay Abokor Sulub oo ahaa Taliyihii ciidanka Madaxtooyada. Markaa anigaa gunaanadkii la gaadhay waxay ahayd laxdadii nolashayda ugu naxdinta iyo murugada badnayd.
Waxa la yidhi Madaxweyne ayaa la sii dhaariyay oo Marxuum Cigaal ku sii dardaarmay oo uu yidhi waxaan kaga sii tagay Daahir Rayaale, markii aanu maydkii Marxuumka keenay ee la aasay wixiiba waa la iloobay oo daaqada ayaa laga tuuray, maanta waan garnaqsanayaa nin ka naxa iyo nin ku farxowba. Madaxweynihii dalka loo dhaariyay dagaalkii aniga ayuu ka bilaabay.
Waxaan garan waayay xisbigii aan aasaaskiisa wax ku lahaa ma UDUB buu ahaa mise Xisbiga KULMIYE, waayo naxariistii aan ka waayay UDUB, Daahir Rayaale iyo Xaaskiisa waxaan ka helay xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo Iyo Xaaskiisa kuwaasi ayaan sharaftii iyo nabsi bixii aan ka helay oo I soo dhaweeyay, intaasi waa wax dhacday oo aan la diidi Karin waana maalintii u horaysay ee aan wax taataabtay. Waxaan codsanayaa maanta in taladii xisbiga UDUB Guddoomiyenimadeedii aniga la igu soo wareejiyo diyaar ma u tihiin arrintaasi, taladii xisbiga UDUB in badan bay nimanku hayeen oo aanan talo ku darsan oo aan lahaa inamada loolamaya ha dhex gelin maanta waan soo diyaar garoobay carabtu waxay tidhaahdaa wax waliba waxay ku noqdaan asalkiisii. Faysal Cali Waraabe maxkamad ayaa UCID rag kula galay maxkamadii isaga ayay u xukuntay xisbigii uu aasaasay. Waxaan leeyahay taladii xisbiga ha la igu soo wareejiyo cidii la isku waafaqana anagaa ku soo celin doona tallada gacantooda.
Xisbigan la yidhaahdo UDUB waa xisbi gurigayga ku soo dhashay oo aan gacmahayga ku soo koriyay kuna soo gardaadiyay oo aan goobtii la iskugu imanayay ku keenay. Xisbigii UDUB markii uu talada hayayna waa lala ambaday oo xisbigii waa lala lumay. Maanta waxaan leeyahay rag badan baa UDUB ka tartamaya oo xisbigii mar labaad burburin kara, anigu hooyadii xisbiga ayaan ahay oo xisbigii lexjecelo ayaan ka qabaa. Cidaan muranay iyo xisbiga UDUB kala gooni ayay noqdeen horta waxaan idin leeyahay ha tafaraaruqina oo talada iskaga tanaasula oo ha is barbar yaacina ee madax iyo mijo kala yeesha,”
Kadib Khudbadii Marwo kaltuun ka jeedisay Madashii shirkii UDUB ayaa Cali Waran Cade iyo Cismaan Hindi ay marwada si jujuub ah u kiciyeen, isla markaana ay soo joojiyeen Shirweynaha hortiisa si ay Cudur daar uga bixiso hadalada ay ku durtay UDUB iyo Maamulkii Rayaale, hase yeeshee Cismaan Hindi iyo Cali Waran-cade ayaa ku fashilmay isku daygooda ina Kaltuun Raaligalin bixiso, balse sheegtay inay u soo kacday Kalmad duco ah, isla markaana ay tilmaantay ina qaadatay raali galin Cali Waran Cade ka siiyey wixii dhibtii maamulkii Rayaale iyo UDUB ka soo gaadhay.
Si kastaba ha ahaatee khudbada Kaltuun Xaaji Daahir Marwadii Madaxweyne Marxuum Cigaal madashaasi ay ka jeedisay ayaa waxa goobtaasi ka dareerary haween reer Boorame ah oo la sheegay inay ka cadhoodeen hadalada ay marwo Kaltuun ku duraysay Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana ku amaantay Madaxweyne Siilaanyo iyo marwadiisa Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde, taas darteedna ay ka baxeen hoolkii shirku ka socday.
Tuunyo Media Network.
Posted By Eid Aden
So Haatuf Media Network.
Habaynta Tuunyo Media Network
Rayigaaga ku soo dir :Tuunyo@hotmail.com |