|
Hadii Suldaan Dhawal, Faarax Nuurkii Arabka noqonayo oo uu Habarcafaan Jibriir yonis ka dhexrarayo waa isaga iyo raganimadii hadii kale H/cafaan kaalintii ay awalba Samaroonka kaga jirtey ha iska iimaansato Ugaaska iyo xeerkii G/buursina waa halkiisii.
Waxa dhawaan deegaanka Xeego ee Degmada Baki shir isugu yimid beelo ka mid ah jilibyada Samaroon oo ku bahoobay magaca Cafaan. Marka hore bal aan dib u raacno taariikhda magaca Cafaan iyo sida uu ku yimid si aan wax uga ogaano sababaha keenay isbaaheysiga aan abtirsiinta ku dhisnayn. kadibna aan gudo galno ujeedooyinkii laga showray, wixii la shaaciyey iyo wixii la shareeray. Kalmada cafaan galbeedka waxa looga yaqaanaa kalmad xaqiraad ah, waxa loo adeegsan jirey dad gaar ah ama jilibyo gaar ah oo gadabursiga ka mid ah.
Dhaqan ahaan dhinaca galbeedka ama degaanka Gadabuursiga waxa ceeb ahayd inuu ninku galo guriga gabadha walaashii ama inadeertii. haduu ninku guriga walashi galo wuxu ahaa nin aan sharaf lahayn markaasaa waxa la odhan jirey wuu cafaanoobay oo macnaheedu tahay ma tirsana waa nin ka baxay golaha raga oo ku biirey cafaanta ama jilibyada yar yar ee la cafaansan jirey. Magacani waa mid halkaa kasoo jeeda asal ahaan oo jilibyo gaar ah loola baxay si loo xoolahooda iyo xoogooda loo xalaashado.
markaa shirkii dhawaan jilibyadani yeesheen magaca cafaan wuxu ka mid ahaa waxyaabaha qorshaha ku jirey in meel la saaro. si markaa magaca loo dhalan rogo waa in dhako kale la keenaa oo la yidhaahdo cismaan binu cafaan baan ku abtirsanaa, iyadna waa mushkilad kale oo horleh oo aan la mahadin doonin, hadalkani wuxu kasoo baxay oday wayn oo sideetan jir ah wuxu u badheedhay been wiilkiisiina wuu baadiyeeyey. odey axmed miisaan waa reer ciise. waa ciise samaroon, samaroona cismaan binu cafaan ma galo abtirsiinta markaa sow duqaa hadalkiisu deylqaaf maaha?
anigu shakhsiyan waan kasoo horjeedaa in jyonis iyo habarcafaan la tartansiiyo waayo boqor iyo wiilkii u shaqayn jiray ma tartami karaan laba CV oo kala fog bay kala wataan. Waxan akhriyey qoraal shabakadaha qaarkood daabaceen oo wiil habarcafaan ahi yonis cismaan wax ka sheegayo. somalidu waxay tidhaa farta iyo meesha bugtaa way is ogyihiin. yonis cismaan iyo jilibyadii uu magaca cafaan ula baxay aadbay isku yaqaaniin. taariikhdu been ma sheegto hadaan laga been sheegin. ninka habarcafaan dhaarta ugu sareysa ee uu ku dhaaran jirey Gadabursi oo dhan wuu yaqaan. ninka habarcafaan ilaahay kuma dhaaran jirin, wuxu ku dhaaran jirey yoonis cismaan, dhaartiisa kama dambaysta ahi waxay ahayd WAATAAN DHIIGA YOONIS CISMAAN GALAA.
dhaartani siday ku timid? dhaartani waxay ku timid awood sheegasho, Gadabursigu sidan imika la iswada kabaleekaaday ma ahayn waa lakala adkaa dadku katagory bay kala lahaayeen. yonis cismaan marka uu nin habarcafaan ah dilo konton buu ka bixin jirey magta .laakiin hadii h.cafaan ay nin yonis cismaan ah disho toban magoodbaa laga qaadi jirey. tobanka jilib ee yonis cismaan ayuu jilib waliba magta markiisa u doonanayey jilibyada cafaanta ee wax ka dila mana diidi karayn oo way ku khasbanaayeen inay bixiyaan, waxay ahayd arin aad u xanuun badan oo qof kastiba qiimayn karo aadna waan uga xumahay in tolka sidaa loo dhibaateeyo laakiin waxy ahayd wakhtiyo ina soo maray. sidaasaa dhiiga yonis cismaan sagaal jeer uga qaalisanaa ka kale magtiisuna u xanuun badanay, in lagu dhaarto oo la yidhahdo waataan dhiiga yoonis cismaan galaa sidaasay ku timid.
hadaba walaalahayow dadku waa dadkii uun horumar iyo tadawur dhinaca nolosha ah uunbaa la sameeyey ee dadka lama bedelin taariikhduna ma masaxmin markaa yaan la is ilaawin waxbadan oo aan ka afkayaga ka dhawraynaa jiree.
Ta ugaaska ee ay habarcafaan dooda ka furtay iyada markale ayaan ka hadli doonaa
hadii Suldaan Dhawal, Faarax Nuurkii Arabka noqonayo oo uu Habarcafaan Jibriir yonis ka dhexrarayo waa isaga iyo raganimadii hadii kale H/cafaan kaalintii ay awalba Samaroonka kaga jirtey ha iska iimaansato Ugaaska iyo xeerkii G/buursina waa halkiisii reer waliba maqaamkii uu ku lahaa uun buu qaabilsanaan doonaa. samaronku imika waa shan beelood laakiin markii uu sadexda dhadhaar ahaan jirey dhadhaar kastiba ugaaska hawl gaaruu u qaabilsanaa. habarcafan ugaaska timahay ka xiiri jirtay cidiyahana way ka guri jirtay. m.case dharkuu u xidhi jirey. makaahiilkuna wuu boqri jirey ( cimaamaduu saari jirey). hadii h.cafaan ay leedahay booskii aan haynay halanaga bedelo waa dood gaar ah laakiin inay ugaasnimadiiba shaki galiso xaq uma laha.
Qore.. Mohamed Jama Abgaal ,Borama , Somaliland
|