Abgaal Shalay Iyo Maanta. Markuu Waalanayay..!?.. Qaybta Kowaad- Qoraaladii Laga Hayo-Mr Abgaal..

 Qoraalka 1aad. 11-01.2011 ayuu   Maxamed Jaamac Abgaal -  Qaray.

 Fiiro Gaara....

siyaasigan   is badbadalka badani waxa uu kamdi ahaa Masharixiin Gola Wakiilada Somaliland tartamay Sanadii 2005 kuna Guul Daraysa  .. waxa uu waxbadan siyaada Somaliland Quudaraynayay intii uu xukunka Hayay Daahir Rayaale Kaahin oo ay isku Jilib Dhaw Yihiin Markii uu dasha  Kabaxay Rayaale waxa uu Bilaabay in uu kala Jabiyo Beelaha Samaroon isaga oo Bilaabay Qolaalo   Qabyaalad iyo Mixnadi Ka buuxo oo uu Kani Kamidyay.. hada aad arki Doontid..  Sidoo kale. waxa uu aad u weeraray  Cabdi Rahman Saylici oo kasoo Jeeda Beesha M:  Casse. Samaroon.. isaga oo ku maagan   oo kaliya Mansabka Siyaasadeed ee uu Hada Haysto..  Mr Abgaal. hada waa  Qabqablayaasha  Kooxda  Kuqadhaabta Magaca Beenta ah ee Awdalstate waxana uu kujiraa Tiro kamida koox oo hada loo haysto lacag Dayn  ah oo ay Ka   uruursadeen Qurbo Jooga Reer Awdal...

ugu Danbayntii Markaad  akhriste  ee Maqaalka hoos ku xusan ee uu Qoray Abgaalisaga oo uga danlahaa oo kaliya kala Dilka Beelaha  Samaroon..    Mayahay.. Shakhsi La,aamino Karo. wax yaabaha uu ku Reyoonayo.???  Marka aad Maqaalka akhrisid Su, aasha  kajawaab.. Rayigaagana Kusoodir..  Tuunyo@hotmail.com

Tuunyo Media. Editor....

 

DADKII KA DAMBEEYEY DILKII DIYAARADEED Eh

GENERAL CANJEEX IYO ADEN FARAH ABRAAR

(FAARAX GOOGOOYE)

Dilikii Aden faarax Abraar (Aden Faarax Googooye) waxa ka dambeeyey ADEN ISAAQ AXMED. oo safiir ka ahaa Dalkaas Baakistaan ,dilkaana waxa ku amray madaxweeynihii Somalia JAALLE SIYAAD.

Markii la helay Dowladinimadii hore ee Somalia 1960 Beesha Samaroon waxa hormood u ahaa ninkii la odhan jirey Abdi Hassan Booni ,matalayeyna Beeshaas , markii xiggayna waxa matalayey ninkii la odhan jirey Abiibakar Omer, nasiib daro labadoodii markii dambe waa laga maarmay maxaa yeelay labada ninba waxa loo adeegsanayey in ay ka ilaaliyaan wasiirnimada Beesha Samaroom Muse Rabile Good , oo labadaas ninba la tartamayey raganimo iyo dadnimaba kaga adkaa nasiib daro dhan ayaa laga noqday , ha yeeshee Muse Rabile Good markii dambe waxa uu ka mid noqday Golihii Dhexe ee Kacaanka (SRC) markii uu xukunkaas ka mid noqday ma uu galin godob ama aargoosi nasiib wanaag intii kariinkiisa waa qabtay.

Sanadkii 1964 shirkii Jibrii Yoonis ee Tuulada QULULUJEED ayaa ADEN FAARAX ABRAAR(FAARAX GOOGOOYE) soo gashay damac siyaasadeed nasiib wanaag wuu u soo tafa xaytay , ayaan daro nin kale ayaa laga soo daba kiciyey kaas oo la odhan jiray ADEN ISAAQ AXMED kaas oo ay wateen dad aad u yar dano gaar ahna watay, maxayse ahaayeen danaha gaarka ahi?

Labadaa ninba waxa la weydiiyeye su’aalahan:

Marka aad qabato Wasiirnimada waa in aad soo qabataa ninka la yidhaahdo Axmed Haji

Bahdoon ,oo ka shaqeeya dalkaas Ethopia gaar ahaan xaggga casuur ururinta iyo nabad gelyada xadka ee jiida Gadabuursigu dego.

Marka aad qabato Wasiirnimada waa in aad ka fogeysaa Muse Rabile Good meel maamul ka dhow yahay.

Labadii nin ee wasiirnimada ku tartamayey Aden Farah Googooye labadaa su’aaloodba waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin maan gaabnimo, yidhina waxan waxa wadaa in aysan ahayn BEESHA JIBRIIR YOONIS ee ay tahay shakhsiyaad raba huguri ama shaqo .

Ninkii labaad Aden Isaaq Axmed labadii su’aaloodba waa uu yeelay ,waxana uu ku jawaabay waan soo qaban Axmed Haji Bahdoon oo xukun xabsi daa’in ah ayaan marin marka aan noqdo Wasiir, Muse Rabile Good isagana dartii ayaan u raadsan meel aan ka maamulo si aan uga fogeeye casimada Somalia .

Dabadeed Aden Farah Googooye waxa uu dib ugu noqday shaqadiisii oo ahayd mid caafimaad , nasiib wanaagna waxa uu ka soo shaqeeyey wadamo fara badan oo aduunka ka mid ah waxana uu u joogay hayadaha qaramada midoobay(UN) gaar ahaan WHO.

Taageerayaashii Farah Googooye hadaladoodii waxa ka mid ahaa in ay jilib ka tirsan Jibriir Yooniska u bixiyaan naaneysta ah TIMO ADAG ilaa haddana loo yaqaano.

Ninkii kale ee la odhan jirey Aden Isaaq Axmed , waxa uu ka mid noqday wasiiradii Somalia , wuuna soo qabtay Axmed Haji Bahdoon ,markii la soo qabanayey Bahdoon waxa lagu soo xero geliyey Been abuur iyo Baab loo sameeyey.halkaas oo tuulada QULULUJEED dhowr wadaad iyo nin sheikh ahaa inta ay Quraan akhriyaan tuulada kula dulwareegayey, gebegebadiina la soo qabay.

Dadka markhatiga ku cadeynayey Bahdoon ee Aden Isaaq Axmed Adeegsanayey waa kuwan :

Sheikh Cilmi Talan

Muse Kibaar

Cilmi Rooble Fure.(camel)

Sanadkii madaxii 80kii ayaa Aden Farah Googooye u soo ruqaansaday dalkii somalia go’aansadayna inuu ganacsina ka sameysto , inkastoo weliba maamulkii Siyaad Bare uu ku lahaa lacag deyn ah , dabadeed Siyaad Bare waxa uu adeegsaday Ninka la yidhaahdo Aden Isaaq Ahmed oo Safiir ka dhigtay una fadhiyey dalkaa PAKISTAAN,uguna balan qaaday Wasiir, haduu fuliyo ficilkan, una sheegay in uu joogo Aden Farah Googooye , markaana ka yidhi diyaarada maalintaa baxaysa ha la saaro kuna dhiiri geli si uu u raaco sameena sida ugu dhakhsaha badan ee uu u ogolaado ,dabadeed Aden Isaaq,wuu ka ogolaadaay Siyaad Bare arinkaa , waxa uu isticmaalay Aden Isaaq , dadkan hoos ku qoran in ay saaraan diyaaradaas maalintaa baxaysa ee uu la socdo GENERAL CANJEEX uguna balan qaaday Abaal gud ah shaqo dibadeed iyo dalaacado kale, dabadeed dadkani way ogolaadeen waana kuwan magacyadoodii.

Cali Jamac Dogox

Maxamed Jamac Dogox

Cali Warsame Ilkacase

Jamac Gurey Nur

Jamac Cabdilahi Coofleh

Cabdi Gurey Nur

Ibrahim Haji Muxumed Aye

Axmed Moxamuud Geedi (Geedi Cawar)

Iyo Sideed (8) Arday ah iyo Sagaal(9) Haween ah.

Kuwaas oo iyagan loo adeegsanayey in ay dhalan habaabiyaan oday ADEN FARAH GOOGOOYE,

Run ahaantii Aden Farah Googooye wuu u socday in uu tego Borama soona eego HOOYADIIS ,laakiin wakhti ayaa u kala dhexeeyey kaas oo ahaa laba todobaad , ilaa hadda waxa la raadinayaa qofkii farta ka saaray tickitka diyaarada , maadaama labadii habeen ee u dambeeysey ay wada joogeen .

Maxamed jamac dogax

Jamac Cabdilahi Coofle

Cali Warsame Ilkacase. Iyo Afar (4) Haween ah.

Diyaaradii siday labadaas nin een kor ku xusay way ay dhacday waxa ayna ku dhacday magaalada Balcad tusheeda, waxana la dhintay shacab badan oo Somalialander u badan.

Run ahaantii diyaaradaas dadkii ka dambeeyey in ay dhacdo ,ama qorshahaas waday waa ay ogyihiin raggaas aan kor ku soo sheegay waxaaney kala joogaan Woqooyinga America iyo Somaliland. Ilaa hadda waxa warkan ku joogga dadkii shacabka ee ku dhintay Eheladoodii markii ay heleen macluumaadka mid la mid ah , waxana la rajaynayaa in dhawaan ay debeda u soo if baxayso waxii keenay dilkaa Geneneka iyo dadkii la socday.

Siyaad Bare ,wuu kaga baxay balan qaadkii uu u dhigay Aden Isaaq Axmed ee ahaa in uu Wasiir ka dhigo , waxana uu xabsiga ka sii daayey Axmed Haji Badoon ,horena Aden Isaaq u xidhay , waxa uu xidhnaa ama isku waydaartay tiraba seddex dowladood ilaa tii Siyaad Bare ,waana qofkii somaliyeed ee intaas oo dowladood xidhnaan wax lagu xidhayna la garan waayey. Ayaan daro Aden Isaq Axmed weli waa daba socday si uu u noqdo Wasiir gebogebadii 80kii ayaa wiil yar oo la odhan jirey Hassan Houssein Guiled oo reeer jibouti ahaa been u sheegi jirey kana odhan jirey Wasiir ayaan kaa dhigi , isaga oo noqon ayuu ku hoyday.

Dulucdu waxa weeyi maanta Beesha Jibriir Yoonis waxa ay leeyihiin waxa aan ku shireynaa TUULADII QULULU JEED maxaa ka dambeyn ayaase noqonaya AHMED BAHDDO IYO ADEN FAARAH GOOGOOYEY.

Xigaysho war.

Laba(2) wasiir oo ka tirsanaa Golihii Dhexe ee Kacaanka

Seddex iyo Toban(13) Nabadsugidii Somaliya ,(5) kala ahaayeen: Labo(2) laanta Socdaalka Seddex (3)Qaybta Debeda,iyo Todoban Qaybta Gudaha ah iyo lix (6) reer oo ka socday dadkii ehelkood ku jireen diyaaradaa

Mohamed Jama Abgaal ,Borama , Somaliland

 

Back Home.................................................................................Bugga Kulaabo